Shil khasaare ba’an geystay oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari

Dad ku soo xoomay goobta shilka

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhintay, 11 kalena waa ku dhaawacmeen, shil gaadiid oo ka dhacay laamiga dheer ee u dhexeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaanna nawaaxiga degmada Carmo ee gobolka Bari.

Qof soo arkay goobta shilku ka dhacay, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in shilkaasi uu ka dhashay kadib markii Bas nooca rakaabka qaada oo ka yimid magaalada Boosaaso, kuna socday caasimadda Puntland ee Garoowe, ay isku dhaceen gaari booyada oo kuwa biyaha dhaamiya.

Labada gaari oo burbur xoogleh ka soo gaaray shilkaasi, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 3 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 11 qof oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan.

Dadka ku dhaawacmay shilka, ayaa markiiba loola cararay isbitaalka degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

Shilalka noocaasi ah, ayaa ku soo noq-noqday laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo weliba xilligaan ay u dheertahay roobabka gu’ga oo meelaha qaar burbur u geystay laamiga.

Halkaan ka eeg sawirada shilkaasi

PUNTLAND POST