Dowladda Puntland oo go’aan ka soo saartay ajaanibta ka shaqeeya degaannada Puntland

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawlgala degaannada Puntland, in ay xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku amartay shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan, in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin, islamarkaana aysan keensan karin shaqaale ajnebi ah oo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay, xilli ay Puntland shaqooyin ka hayaan dad ajnebiya oo qaarkood la sheegayo in ay shahaadooyin been-abuura sitaa, halka dhalinyaradii waxbartay ee Puntland ay suuqa shaqa la’aan ku yihiin.

Halkan ka akhriso dikreetada

PUNTLAND POST