Roobabka gu’ga oo khasaare naf iyo maal leh ka geystay degaanno ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya tuulada Qayaadsame oo ka tirsan degaanka Alxamdullilaahi ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in halkaasi 4 carruur ah ay kula tageen biyaha roobka.

Qoysas reer guuraaya oo miyiga tuuladaasi deggan ayaa sida la sheegay daadad ku soo rogmay kala tageen 4 carruur ah balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo.

Dhinaca kale roobabka gu’ga ayaa khasaare ka geystay degaanno kala duwan oo kamid ah Puntland sida ay soo sheegayaan bulshada ku dhaqan.

Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ilaa 40 guri ayaa xalay ku dumay roob saacado badan ku da’ayay sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ismaaciil Ciyoon.

Sidoo kale daadad xooggan oo xalay ku burqaday togagga u dhexeeya magaalooyinka Qardho iyo Carmo ayaa xannibay isu’socodka gaadiidka ee laamiga dheer.

PUNTLAND POST