Puntland: Guddiyada qaban-qaabada xuska 15 May oo la magacaabay

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa saaka magacaabay guddiyada qaban-qaabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May oo ku beegan Arbacada berriya.

Dikreeto uu soo saaray agaasimaha guud Axmed Cabdalle Tigaana, ayaa lagu magacaabay laba guddi oo qaban-qaabin doona, xuska 15 May, kuwaasi oo kala ah guddiga diyaarinta goobta iyo guddiga farsamada.

Guddiga qurxinta iyo diyaarinta goobta munaasabadda oo ka kooban 4 xubnood, ayaa qaabilsan ballaminta warbaahinta, qurxinta iyo diyaarinta goobta munaasabadda iyo soo dhoweynta.

Sidoo kale, guddiga labaad oo isna ka kooban 4 xubnood, ayaa u xil saaran casumaadda martida, diyaarinta ajandaha munaasabadda iyo war-murtiyeedka.

15 May oo ku astaysan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sannad kasta la xusaa dalka , waxaana dib loogu xasuusta, halgankii SYL ee xornimada u dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

15-kii May 1943 ayaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah aas’aaseen, ururkii xornima-doonka Soomaaliyeed ee SYL oo baal-dahab ah kaga suntan taariikhda dalka.

Halkaan ka akhtiso dikreetada

PUNTLAND POST