Garoowe: Booliiska oo soo saaray awaamiir culus

G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Puntland Post photofile

Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Nugaal, ahna taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal , G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa awaamiir culus ka soo saaray sugidda amniga caasimadda Garoowe.

Taliyaha ayaa sheegay, in maanta laga bilaabo magaalada Garoowe ay mamnuuc ka yihiin, bacaha madoow ee lagu dhejiyo gaadiidka, isagoo digniin ku siiyay dhammaan gaadiidleyda in ay iska fiiqaan bacaha loo yaqaan beersolka, ka hor intaan ciidanku ka fiiqin.

Wuxuu caddeeyay in aysan jirin cid loo ogolyahay adeegsiga bacaha madow ee gaadiidka, marka laga reebo madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo keliyah.

G/sare Cabdixamiid Dirir ayaa sidoo kale sheegay, in gudaha magaalada Garoowe uu mamnuuc ka yahay hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka hubku saaranyahay marka laga reebo ciidanka sugaya amniga ee hawlgallada ku jira.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dad uu sheegay in ay Ramadaanta cunta xaaraan ah maalintii kariyaan oo qaarkood magaalada kala baxaan, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo jebisa awaamiirta uu soo saaray.

PUNTLAND POST