Duqa caasimadda Garoowe oo u hanjabay ri’yaha magaalada

Ri’yaha oo cunaya dhirtii dowladda hoose

Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa u hanjabay ri’yaha magaalada kadib markii ay shalay cuneen dhir dowladda hoose ku beertay qaar kamid ah jidadka Garoowe.

Dowladda hoose ayaa subaxnimadii shalay dhir badan oo timir ah ku beertay jidadka ku yaalla magaalada balse isla shalay ayaa ri’yo rabbaayad ahi feenteen dhirtaasi.

Haddaba duqa caasimadda ayaa qoraal uu xalay ku daabacay Facebook-ga waxa uu ku hanjabay in aan ri’yo dambe lagu arki doonin magaalada haddii aysan ceshan dadka leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dhowaan soo saari doono amar lagu mamnuucayo ri’yaha magaalada Garoowe isagoo digniin ku bixiyay in dadka leh ay ceshadaan.

Qofkii lehi ha maaraysto xoolihiisa ama yaanu ka daba iman markii la maareeyo” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe.

Hadalka duqa ayaa ku soo beegmay xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ay qabsadeen sawirro laga soo qaaday ri’yaha oo cunaya dhirtii dowladda hoose ku beertay waddooyinka Garoowe.

PUNTLAND POST