Walaac laga muujiyay natiijo la’aantii uu ku dhammaaday shirkii lagu qabtay Garoowe

Muqdisho (PP) ─ Bayaan ay maanta soo saartay Dallada bulshadda rayidka ah ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA, kuna mideysan yihiin; Ganacsatada iyo xirfadleyda, ayaa walaac weyn ka muujisay sida uu kusoo dhammaaday shirkii Garoowe oo runtii rajo badan laga qabay in hishiis laga gaaro khilaafka hoggaamiyaasha Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada.

SONSA waxay nasiib-darro ku tilmaantay in hoggaamiyaasha siyaasadda ee ku shiray Garoowe aysan marna ku xisaabtamin xaaladda adag ee maanta uu dalka marayo, haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha, waxayna arrintaas dhaawacaysaa rajadda ay bulshada ka qabeen hoggaamiyaashaasha siyaasadda dalka.

Waxay SONSA ka digtay in aragti kala duwanaashaha hoggaamiyeyaasha siyaasadda uu saameyn mugdi ah ku yeesho mustaqbalka ayaaha Somalia, waxayna soo jeedineysaa inay ka waantooban khilaafka ku dhisan aragtida shaqsiga oo ay kala qabaan, wax walbana lagu xalliyo sharciga dalka, isla markaasna la ixtiraamo doorka iyo kaalinta gollaha shacabka ku leeyahay waxyaabaha ay isku haystaan.

Dhanka kale, Daladda SONSA ayaa waxaysheegtay inay aaminsan tahay in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobaleedyada uu ku noqday caqabad hannaanka dhismaha hay’adaha Dowladda, mana la aqbali karo bay yiraahdeen inuu sii socdo iyadoo xaalad adag lagu jiro.

Ugu dambeyn, Ururrada bulshada rayidka ee SONSA, waxay ku baaqayaan in hoggaamiyaasha Dowlada dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada – shirka dib la isugu soo laabto, iyadoo goob-joog ka naqonayaan ururada bulshada raydka ah.

PUNTLAND POST