
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay munaasabad ay degmada Garoowe Sadex Dab-Demis iyo booyad kagala wareegaysay shirkadda isgaarsiinta Golis.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey goobta lagu wareejinayey agabka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin dab-damiskani iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda.
“Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska demin oo colaadda iska demin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini’aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada jeesan, ogaada dad gaar ah wax ma gaarayaan ee bulshadoo dhan ayay gaarayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland
Sidoo kale Madaxweyenaha dowladda Puntland ayaa shirkadaha kala duwan ee Puntland ka howl gala ku booriyay inay xoojiyaan adeegyada ay ku horumarinayaan bulshadooda.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta, kaas oo in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doono.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.