Dowlada Soomaaliya oo joojisay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka

Wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaan imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare.

Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ka soo muuqday warbaahinta dowlada ayaa ku dhawaaqay in imtixaanka la joojiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in la arkay imtixaankii lagu kala gadanayo suuqyada islamarkaasina ardaydu ay sii heeystaan qishka maadooyinka ay galayaan.

27-ka bishaan ayuu iclaamiyay wasiirka in intixaanka dib loogali doono.

Waxa uu sheegay in la xakameeyn doono imtixaanka islamarkaasinna inta uu imtixaanku socdo hawada laga saari doono Baraha ay bulshadu ku xariirto.

Sabtidii la soo dhaafay ayeey u fadhiisteen in ka badan 30 kun oo arday ah imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.

Hoos ka daawo Muuqaalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho