Askari ka Tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan oo Dilay Taliyihiisii iyo Askar kale

Muqdisho (PP) ─ Askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa toogasho ku dilay saddex askari oo kale oo uu ka mid ahaa sarkaal madax u ahaa, isagoo markii dambena is-dilay sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Uganda.

Falkan oo Sabtidii ka dhacay xerada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane ayaa la sheegay in askarigu uu si toos ah u toogtay kormeerihiisa oo uu muran kala dhexeeyay, kaddibna uu toogtay laba askari oo kale oo la shaqeynayay, markaasoo uu isagiina is-dilay.

Afhayeenka millateriga Uganda, Richard Karemire oo ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aad u naxdin badan, isla markaana ay baarayaan in askariga is-dilay ee toogashada geystay uu maskaxda ka xanuunsaa iyo in kale.

“Weli sababta ma cadda, sidoo kalena waxaan baaraynaa in askarigan dilkan geystay uu madaxa ka xanuunsanaa iyo in kale,” ayuu yiri Karemire oo aan sheegin magacyada askarta la dilay iyo askariga dilay magaciisa.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in falkaan uu yahay mid aan horay loogu aqoon ciidamadooda ku sugan Somalia iyo kuwa kale ee waddamada kale ee Afrika ka hawl-gala.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Somalia ka jooga in ka badan 5,000 oo askari oo qayb ka ah hawl-galka AMISOM, waxaana ciidamadan ay ka hawl-galaan qaybo badan oo ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika oo ay ciidamada AMISOM hoos-tagaan ayaan weli ka hadlin falkan lagu dilay askarta isla markaana askarigii dilka geystay uu isku toogtay.PUNTLAND POST