Roobabka gu’ga oo laxaad leh ayaa xalay miray, degaanno badan oo ku yaalla gobollada Karkaar, Nugaal, Sool iyo Mudug oo hore kulayl iyo baaro daran ka jireen.
Dhul ballaaran oo ka kala tirsan gobollada Karkaar,Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa xalay roobsaday, sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen dad ku sugan degaanno kala duwan oo gobolladaasi ah.
Meelaha roobsaday waxaa kamid ah magaalooyinka; Garoowe, Qardho, Laascaanood, dooxooyinka Nugaal, jeexdimaha dhoodida Sool iyo Ciidka Mudug
Magaalada Garoowe hiraabtii hore (Suxuurtii) saaka, waxaa ku da’ay mayay(bariise) ka dulka-hooryeeyay, gufaacadii uu soo kiciyay gud-gudihii xalay maaruqay gobollada Sool iyo Karkaar.
Roobka oo si jawi deggan oo aan dabayl wadan u da’yay ayaa biyaha waray gudaha magaalada iyo dooxooyinka ku xeeran.
Sidoo kale weli waxaa cirka ku marriiman daruuro biyaysan iyo fadad cas oo dhibcaynaya.
Garoowe iyo saaka






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.