Dowladda Kenya oo sharraxday sababtii ay u hakisay duulimaadkii tooska ahaa ee Nairobi

Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay sharraxaad ka bixisay sababtii ay u joojiyeen duullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iaga goosi jiray, iyadoo ku sheegtay inay la xiriirto arrimo ammaan.

Agaasimaha hay’ada duullimaadka rayidka ah ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa ku sheegay sababta oo joojiyay duullimaadkii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi arrimo la xiriira amniga.

Gilbert oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in duulimaadyadaas la hakiyay illaa horraanta bisha Ogoosto ee sannadkan 2019-ka, intaas wixii ka dambeeyana dib u eegis lagu sameyn doono, si looga gaaro go’aan ah in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa iyo in gebi ahaanba la joojiyo.

Xukumadda Kenya ayaa dorraad joojisay duullimaadyadii tooska ah ee isaga gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaraduhu ay sii mari doonaan garoonka diyaaradaha Wajeer si baaritaanno loogu sameeyo alaabooyinka ay wadaan iyo rakaabka.

Dowaldda Somalia ayaa waxay ku tilmaamtay go’aankaas mid siyaasadeed oo aan lagu sheegi karin mid amni, inkastoo aysan jirin weli wax go’aan ah oo ay dowladda Somalia ka qaadatay tallaabadaas, iyadoo Kenya uu si toos ah uga yimaadeen Jaadka ama Qaadka oo si aad ah looga cuno Somalia.

Sidoo kale, waa markii labaad oo Dowladda Kenya ay joojiso duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana sanadkii 2016-kii Kenya ay ku bixisay amar in duulimadka tooska ah la joojiyo, isla markaana diyaarada ka timaadda Muqdisho lagu baaro Wajeer.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa waxaa laga sugayaa inay jawaab ka bixiso go’aanka dowladda Kenya ay ku joojisay duullimaadyada toos ah iyo sidoo kale inay ka hadasho sababihii keenay in Kenya ay heshiiskii horay looga gaaray uga baxdo.

PUNTLAND POST