
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in hadda uu qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari.
Qaraxa oo daqiiqado ka hor dhacay waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo qaarkood lagu sheegay shaqaalaha maxkamadda askar iyo dad shacab ah inkastoo aan faahfaahin dheeriya weli laga helin.
Wararka qaar waay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in uu qaraxa ku dhaawacmay taliyihii ciidanka ilaalada maxkamadd balse weli lama xaqiijin warkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.