Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa mar kale dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.
Maxkamadda oo saaka dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalinta iyo difaaca qareennada u doodaya eedaysanayaasha ayaa ku dhawaaqday in kiiska dib loo dhigay oo mar kale la dhegaysan doono maalinta berriya oo Axad ah.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa amray in ay maxkamadda hor-yimaadan madaxda xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay sharraxaad buuxda uga bixiyaan caddaymaha ay ku heleen eedaysanayaasha laga qaaday dheecaannada hidda-sidaha DNA ee loo adeegsaday baarista kiiskan.
Balse xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo cuskanaya xeerka kufsiga Puntland ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in mas’uuliyiinta Forensic-ga lagu wareysan karo oo keliya kulan xiran oo aan dadweynaha loo ogolaan.
PUNTLAND POST