Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay nawaaxiga tuulada Cameeyra oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari sida ay sheegtay VOA-da oo xiganaysa dadka degaanka.
Goob-jooge ku sugan miyiga ku xeeran Cameeyra oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay duqeyn culus ka maqleen nawaaxiga tuulada Cameeyra oo sida uu sheegay ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.
Goob-joogaha ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay geysteen diyaarado dagaal oo guuxooda la maqlayey balse uusan faahfaahin ka hayn khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale wuxuu cabsi ka muujiyay diyaaradaha halkaasi duqeymaha ka geysta oo sida dareemay halis geliyay naftooda iyo maalkoodaba.
Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post