Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanno dhawaan lagala wareegeen Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Dagaalka culus ayaa xalay  ka dhacay deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo xoogag k tirsan ururka Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariirre oo hoos-taga degmada Aw-dheegle, halkaasoo ay dhawaan ciidamada DF la wareegeen, waxaana shacabka deegaanka ay sheegeen inuu dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah socday.

Sidoo kale, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu le’g yahay maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo shacabka ay jiifeen, isla markaana aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay.

Balse, saraakiil ka tirsan ciidamada DF ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay doonayeen inay dib ula wareegaan deegaankaas, balse ciidamada DANAB oo ku sugan halkaas ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid xoogagga kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Bariirre ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka xalay ku qaaday deegaankaas.

Al-shabaab ayaan ka hadlin weli dagaalkii xalay ka dhacay Bariirre oo ay iyadu weerarkiisa lahayd, waxaana shacabka deegaanka laga soo xigtay in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo isku xigta weerarta deegaanka Bariirre oo ka mid ah deegaanno dhawaan lagala wareegay, iyadoo la sheegay in deegaankaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay Al-shabaab, maadaama ay ku qaadi jireen Zakawaat-ka.

PUNTLAND POST