Roobabka gu’ga oo ka da’ay degaanno kamid ah Puntland

Degaannada xalay roobku miray waxaa kamid ah: Dan-Dan, Sarmaan, Dhillaalo, Balli-cad, Carra-weyn iyo Banyaal oo dhammaantood ka tirsan gobolka Cayn, inkastoo roobabka halkaasi ka da’ay ay kala duwan yihiin, iyadoo meelaha qaar doogsimo keliya laga soo sheegayo, halka degaanna kalena ay roobab badan ka da’een.

Tuulooyinka Dan-Dan, Balli-cad iyo Dhillaalo ee gobolka Cayn iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, ayaa waxa isu raacay roobabkii gu’ga oo mir iyo mayay leh(bariise), kuwaasi oo buuxiyay balliyada, saaxaha iyo gal-gelimaha sida lagu soo warramayo.

Sidoo kale, roobab teel-teel ah oo aan sidaasi u badneyn, ayaa ka da’ay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Mudug, balse sida la sheegayo waa jaamo yar yar, marka loo eego abaarta daran ee dhulkaasi ka jirta.

PUNTLAND POST