Dowladda Somalia oo billowday inay su’aalo adag weydiiso shaqaalaheeda rayidka ah

Muqdisho (PP) ─ Hay’adaha Amniga Somalia ayaa bilaabay inay baaris ku sameeyaan shaqaalaha rayidka ah ee DF, baaritaannada oo la sheegay inay salka ku hayaan shaqsiyadda qofka sida xogtiisa.

Baaritaankan ayaa bilaawday maalintii Axadda ahayd, iyadoo lagu bilaabay shaqaalaha wasaaradda shaqada shaqaalaha, waxaana qaarka mid ah ay u sheegeen warbaahinta in la weydiiyay su’aalo adag.

“Qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo shaqalaaha DF waxaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ahaayeen; xilliga uu dowladda ka mid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa iyo inuu ogolaado in la baaritaanno kala duwan lagu sameeyo barihiisa bulshada sida; Facebook, Whatsapp, IMO, Massenger, Viber, E-mail iyo adeegyada kale ee baraha Internete-ka uu ku leeyahay,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalihii baaritaann lagu sameeyay.

Sidoo kale, Dadka qaar ayaa su’aalahaas kaddib la weydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is-yaqaanan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, isla markaana xariir la soo sameeya.

Waxaa shaqaalaha rayidka ah eee DF la waydinayay inuu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo haddii uusan qaban karin, waxaana shaqooyinkaas ka mid ah sida ay sheegeen shaqaalihii la baaray in hawlo amni ay qaban karaan, inkastoo aan loo sheegin, waxay ku jawaabayeen inay qaban karaan.

“Waxaa nalagu war-geliyay inaanan cidna la wadaagi karin su’aalaha nala weydiiyay xitaa shaqaalaha kale ee dowladda, runtiina cadaadis in nagula hayo ayay u muuqatay arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku daray ruuxa ka tirsan shaqaalaha dowladda oo magaciisa qariyay sababo amni awgood.

Dhanka kale, Lama oga sababta arrintaan keentay, balse waa tallaablo ku abuurtay shaqalaha rayidka ah ee DF walaac xooggan. Waxaana tani ay u muuqataa in DF aysan kalsooni buuxda ku qabin shaqaalaha wasaaradaha ka shaqeeya, kuwaasoo qaarkood muddo dheer ka shaqeynayay xarumaha kala duwan ee dowladda.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga askar baaritaan noocan oo kale kala kulmay hay’adaha amniga dowladda, balse wararka hordhaca ah ayaa lagu sheegay inaysan jirin ciidammo baaritaankan la marsiinayo.

PUNTLAND POST