Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo sheegay inay duqeeyeen xeryo ay lahayd Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Warbixin kasoo baxay taliska cidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanku ka fuliyey deegaano ka tirsan Koonfurta Somalia gaar ahaan gobolka shabeellaha Hoose.

Qoraalka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kuwa Somalia kaashanaya ay 05-tii bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ay la beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan inay duqeyntaas wax ku noqdeen dad shacab ah iyo in kale, isla markaana qiimeyn ballaaran ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay.

“Duqeyntaas waxay ahayd mid aan Dowladda Somalia ku taageerayno, si ay ula dagaalanto Al-shabaab, isla markaana ay u wiiqanto awoodooda, innagoo ku dilnay saddex ka tirsan xoogagga Al-Shabaab,” ayuu warbixintaan ku yiri agaasimaha dhinaca ammaanka ee AFRICOM, Jen. Gregg Olson.

Agaasimaha AFRICOM, ayaa hadalkiisa ku daray inay inay sii wadi doonaan hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in duqeyntaan ay ka mid ahay duqeymo badan oo lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sanadkan lagu jiro ee 2019-ka wuxuu si aad ah u kordhiyay weerarrada cirka ah uu ka fuliyo Soalia, waxaana 26-kii bishii la soo dhaafay ee Abriil uu duqeyn la beegsaday saldhigyo kooxda daacish ku leedahay beeraha Golis ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in toddoba sanno ay ku qaadan doonto soo af-jaridda kooxda Al-shabaab oo muddo toban sano ka badan isku dayaysay inay gacanta ku dhigto Somalia oo dhan si ay ugu soo rogto ku dhaqanka diinta Islaamka.

PUNTLAND POST