Dalladda PUNSAA oo baaq u jeedisay madaxda ku shiraysa Garoowe

Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa caawo soo saartay baaq ku wajahan shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo maamul goboleedyada oo sida qorshaysan maalinta berriya ka furmaya magaalada Garoowe.

Dalladda ayaa madaxda shiraysa ugu baaqday in ay ka heshiiyaan qodobada ahmiyadda u leh dalka oo ay ku jiraan amniga Qaranka xeerka doorashooyinka dalka iyo dhammaystirka Dastuurka.

Halkaan ka akhriso baaqa

PUNTLAND POST