Jubbaland oo ku biirtay Maamulladii ka hor-yimid Ansixinta sharciga Doorashooyinka

Kismaayo (PP) ─ Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa ku biiray dowlad-goboleedyada kasoo horjeestay sharciga doorashooyinka oo shalay ay ku sansixiyeen Muqdisho golaha wasiirada xukuumadda Somalia.

Ansixintan ayaa waxaa horay uga hor-yimid, isla markaana sharci-darro ku tilmaamay ansixintiisa maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana haatan kusoo biiray maamulka Jubbaland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in sharcigaas aan lagala tashan anisixintiisa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah DFS, isla markaana uu yahay mid hannaan sharci-darro ah loo maray.

Sidoo kale, Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn go’aan kasta oo la gaaro oo dastuurka dalka kasoo horjeeda, waxaana beesha caalamka ay ka dalbadeen inaysan aqbaleyn go’aano ku tagrifal awoodeed ah oo ay dalka ku maamuleyso dowladda federaalka Somalia.

AKHRISO; War-saxaafadeedka kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubbaland;

PUNTLAND POST