Mid kamid ah la-taliyeyaasha Kheyre oo sheegay in mucaaradka la siiyo tixgelin

Muqdisho (PP) ─ Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi [Baadiyow] oo ka mid ah la-taliyeyaasha Ra’iisul Wasaaraha Dalka ee dhinaca dib-u-heshiisiinta ayaa sheegay in mucaaradnimadu aysan ahayn wax xun, isagoo ku baaqay inay heshiiyaan siyaasiyiinta kala aragtida duwan.

Dr. Baadiyoow oo la hadlay mid ka mid ah telefishinada Afka Soomaaliga ku hadla ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafad ay dalka wada leeyihiin, isla markaana looga baahan yahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan amniga iyo horumarka dalka.

“Siyaasiyiinta waa inay heshiiyaan oo aysan is haruufin, mucaaradka in aan loo arkin inuu xun yahay dowladaha dimoqraadiga mucaaradka iyo muxaafadka dalka ayay wada leeyihiin, kii shalay mucaarad ahaa, berri ayuu madax noqonayaa,” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo ku khilaafay sida madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya u weeraraan siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo shalay inta aan loo dooran xilka madaxweynenimada uu ahaa mucaarad dhaliilana uu soo jeedin jiray, haatan uu yahay madaxweynaha dalka.

“Madaxweyne Farmaajo shalay wuxuu ahaa mucaarad, maanta Madaxweyne ayuu dalka ka yahay, marka waxaa la rabaa mucaaradnimada inaan xumaan loo arkin, dalalka dimoqraadiyada ka jirta mucaaradnimada waxay ku jirtaa qeyb ka mid ah dowladnimada”ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow oo xilligan lagu tilmaamo inuu ka mid yahay taageerayaasha dowladda Madaxweyne Farmaajo, halka dowladdihii hore uu mucaaradi jiray.

Dr. Baadiyoow ayaa ku baaqay in la joojiyo nidaamka keli-taliska, sidoo kalena la joojiyo guul-wadeynta iyo in shacabka la isku soo bixiyo markii ay siyaasiyiintu isku qabtaan fikir lagu xallin karo wadahadal iyo is-tixgelin.

Ugu dambeyn, dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa mucaaradka kasoo horjeeda u adeegsata hadallo qallafsan, waxayna ku tilmaantaa Qaran-dumis, dowlad diid iyo erayo kale.

PUNTLAND POST