Golaha Wasiirrada DFS oo meel-mariyay laba sharci oo uu ku jiro midka doorashooyinka

Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Ujeedka sharciga doorashooyinka ayaa ah in lagu maamulo doorashooyinka golayaasha sharci dajinta iyo madaxwaynaha Jamhuuriyadda, laguna hir-gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka.

Sharciga ay maanta xukuumaddu meel-marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixiyaan, iyadoo sharcigna uu ka mid ahaa ilaa saddex qodob oo ay mucaaradku dalbadeen inay dowladdu wax uga qabato sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kulanka Golaha Wasiirrada DF oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel-mariyay sharciga Xisbiyada Siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.

Dhanka kale, Ansixinta sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qayb ka ah hal-beegyada tubta siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay.

Ugu dambeyn, Xildhibaanno dhawr ah oo ka hadlay sharciyadan maanta la meel-mariyay ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan, iyagoo kula taliyay baarlamaanka inay si qoto-dheer u eegaan sharcigan, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u meel-mariyaan.

PUNTLAND POST