Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira oo soo saaray War-murtiyeed wadajir ah

Muqdisho (PP) ─ Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho shan xisbi oo ka mid ah xisbiyada ugu miisaanka culus dalka ayaa waxay kasoo saareen baaq wadajir ah, kaasoo ay, kaasoo ku aadanaa arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka.

Xisbiyada baaqa wadajirka ah soo saaray ayaa waxay kala ahaayeen; UPD, Himilo, Wadajir, NDP iyo Ilays, waxaana war-saxaafadeedkooda oo dhawr qodob ka kooban ay diiradda ku saareen arrimaha amniga dalka, iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed oo meel aan la filayn gaartay.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa looga dalbaday dowladda Somalia inaysan dhicin wax muddo kororsi ah, isla markaana doorashada madaxtinimada Somalia ay ku dhacdo waqtigeeda oo aysan ka dib dhicin.

Dhanka kale, Arrimaha Amniga mar ay ka hadleen ayay Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad-goboleedyada uga dalbadeen inay si wadajir ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-sShabaab, isla markaana ay sameeyaan ciidammo suga amniga dalka.

Ugu dambeyn, Xisbiyada dalka ayaa waxay dhawaan isugu yimaadeen kulan uu qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyagoo si aad ah u dhaliilay dowladda, kana dalbaday inay wax qabato ammaanka, isla markaana ay caddeyso nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonta.

Haddaba, AKHRISO; Bayaanka ay wadajirka u soo saareen xisbiyada siyaasadeed ee dalka

PUNTLAND POST