Wasiirkii Warfaafinta Somalia oo sharraxay Sababihii keenay inuu xilkiisii iska-casilo

Muqdisho (PP) ─ Wasiirkii Warfaafinta Somaila, Daahir Maxamuud Geelle oo xilka hayay muddo 11-bilood ah ayaa sheegay in sababo dhanka fikirka ah uu isaga casilay shaqadii uu u hayay xukuumadda Somalia.

Geelle ayaa sheegay in isaga iyo madaxda Dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmi waayeen hawlo badan oo markii uu xilkaan loo magacaabayay uu doonayay inuu wax ka badalo ay noqon wayday mid u hir-gasha sidii uu doonayay.

“Hawlaha aan aniga iyo madaxda dalka isku fahmi waynay waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda iyo weliba shaqooyinka gaarka ah ee wasaaradda warfaafinta oo aan doonayay inaan isbedel weyn ku sameeyo,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in haddii ay suuro-geli waayeen inaan isbeddelkii aan ku hanweynaa uu go’aanksaday inuu xilka iska casilo, si dadka kale uu u siiyo fursad ay xafiiska ku qabtaan.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo la weydiiyay qodobbada ay madaxda dalka isku fahmi waayeen ayaa si aad ah uga gaabsaday, basle wuxuu si guud u sheegay inay yihiin kuwo ku saleysan siyaasadda dalka guud ahaan iyo sidoo kale siyaasadaha gobollada dalka iyo tan arrimaha dibadda.

“Anigu ma doonayo inaan afka ku ballaariyo waxyaabihii aan isku qabannay aniga iyo madaxda dalka, balse waxaan leeyahay is-casilaadeyda waxaa soo da-dajiyay is-faham-darro dhanka hawlo uu doonayay inuu wax ka beddelo,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirkii hore ee warfaafinga Somalia.

Mar wariyeyaashu ay weydiiyeen waxay ugu jawaabeen madaxda dalka ee uu istiqaaladiisa u gudbiyay, ayuu sheegay inaysan jirin wax jawaab ah oo uu weli ka helay, balse uu sugayo inay jawaab soo siiyaan dhawaan.

“Dowladda hadda jirta muddo ayaan la shaqeynayay, waxaanan madaxda dalka uga mahad-celinayaa furasddii ay ii siiyeen inaan muddo 11-biood ah joogo xafiiska, waxaana caddeynayaa in xilkii aan xukuumadda u hayay uu halkaas ku eg-yaha. Intii madaxda la beddeli lahaana waxaan go’aansaday inaan anigu booska banneeyo,” ayuu mar kale yiri wasiirka is-casilay.

Ugu dambeyn, Ra’iiul Wasaaraha Somalia ayaa durba ka jawaabay inuu u magacaabo wasiirka warfaafinta wasiirkii hore ee ganacsiga, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo horay xilkan u soo qabtay. Wasiirkan is-casilay wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo isku casila inaysan suuro-gelin qorshayaashii uu doonayay inuu wax ka beddelo markii uu xilka la wareegayay.

PUNTLAND POST