Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah ku soo rogtay degmooyinka Ceel-afweyn, Gar-adag iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac ayaa sheegay in xaalad deg deg ah madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyinkaasi kadib markii falal amni-darro ah ay ku soo noq-noqdeen maalmihii u dambeeyay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Somaliland lagu amray in ay qaadin karaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga magaalooyinka xaaladda deg dega lagu soo rogay.
Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST