Maxkamad xukuntay Dadkii lagu soo eedeeyay Dilkii iyo Gubiddii Marxuum Axmed Dowlo

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukunno dil ah ku ridday saddex ka mid ah dadkii ku eedeysnaa dilkii marxuum Axmed Dowlo loogu geystay Muqdisho sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo maxkamaddu ay fasaxday afar ruux oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa dilkan.

Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax [Dowlo] ayaa la dilay 20-kii September 2018-kii, kaddib markii ay garaash uu ku laahaa degmada Yaaqshiid ay ku weerareen ehellada gabar uu guursaday wiil uu adeer u yahay, iyadoo loo qab-qabatay dilkii toddoba ruux, kuwasoo saddex ka mid ah lagu xukumay dil toogasho.

Dabiilayaasha la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed C/lle iyo Aweys Iidow Maxamed, iyadoo goobta laga sheegay inuu u furan yahay rafcaan ay xukunkood ka qaataan muddo  bil gudaheeed ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Muuse Macallin Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in afar eedeysane oo kale iyaga lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay , isagoo amar ku bixiyay in dib loogu soo celiyo xorriyadooda.

Sidoo kale, Xukunka eedeysanayaashan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay xabsiyada dalka ku jiraan dad badan oo xukunno dil ah ku xukuman, kuwaas oo aan weli xukunnada lagu fulin, waxaana dadkan ku jira askar dilal kala duwan u geystay dad shacab ah iyo askar kale.

Dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa lagu eedeeyaa in aysan fulin xukunnada dilka ah ee ay maxkamadaha dalku ridaan, waxaana taas loo aaneynayaa cadaadiyo kaga imaanaya dalal caalamka ah oo kasoo horjeeda xukunnada dilka toogasho ah.

Ugu dambeyn, Dacwadda la xiriirta dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa soo jiitamaysay muddo sanad ku dhaw, iyadoo dhawr jeer ay maxkamada Gobolka Banaadir dib u celisay dacwadda si loogu helo xaqiiqooyin lagu kalsoonaan karo.

PUNTLAND POST