Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Somalia ayaa dib ula wareegtay xaruntii Talefoonnada casriga ah ee Waddanka ee ku taallay degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Cashuur Xasan oo uu wehliyay wasiir-u-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qayb ka tahay qorshaha 2019-ka ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu.
Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda.
“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeenna,” ayuu yiri wasiirka.
Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm.
Ugu dambeyn, Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta iyo teknlojiyada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.