
Xarunta dowladda hoose ee degmada Garoowe, waxaa maanta la keenayaa saddex dab-demis oo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe.
Saddexda dab-demis ee loo gaday degmada Garoowe, waxaa weheliya booyad nooca waaweyn ah, waxaana lacagta lagu soo iibiyay iska kaashaday dowladda hoose iyo shirkadda isgaarsiinta Golis sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay booga dowladda hoose.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda isgaarsiinta Golis ay %20 bixisay lacagtaasi halka %80 ay bixisay dowladda hoose.

Caasimadda Puntland ee Garoowe, oo kamid ah magaalooyinka ugu kobaca badan Geeska Afrika, ayna si xawli ah uga socdaan dhismayaal casriya oo hoteello u badan, ayaa hore dhib uga haystay dhinac dab-demiska.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.