Madaxweynaha Puntland oo markale shir ku casumay madaxda xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa  mar kale in shir wada-tashi ah ku casumay, madaxda xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shir jaraa’id oo uu xalay kaga hadlayey safarkiisi dibadda iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa madaxweynuhu kaga dhawaaqay in  uu 2-da bisha May ee soocota,  mar kale magaalada Garoowe  ku marti-qaaday madaxda xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada shir wada-tashi ah oo looga hadli doono arrimaha labada dhinac.

Sida madaxweynuhu sheegay arrimahaasi waxaa kamid ah: wada-shaqeynta xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,  hirgelinta dib u-eegista Dastuurka, arrimaha Federaalismka, qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo iyo khayraadka dalka, ilaalinta awood-qeybsiga beelaha iyo in la xadido nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa sannadka 2021-ka.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa caddeeyay, in shirkan uusan noqon doonin sidii shirkii  amniga Qaranka balse la isku raaci doono magac kale oo uu yeesho maadaama aan amni keliya looga hadlayn ee arrimaha kala duwan ee dalka looga arrinsan doono.

PUNTLAND POST