
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa magacaabay guddi-hoosaadka farsamo ee gurmadka abaaraha.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay guddi-hoosaadkan oo ka kooban 8 xubnood kuwaasi oo ka kala socda qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland.
Sida dikreetada ku xusan guddoomiyaha guddi-hoosaadka gurmadka abaaraha waxaa loo magacaabay Cawil Maxamed Xirsi halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdi Xaashi.
Degaanno ka tirsan Puntland ayaa wakhtigan laga soo sheegayaa abaaro baahsan iyo biya la’aan daran inkastoo gobolada qaar ay ka da’een roobab yar ilaa iyo haddana warbaahinta looma soo bandhigin wax gurmad ah oo dowladdu gaarsiisay dhulka ay abaaruhu ka jiraan.
Halkaan ka akhriso

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.