Madaxweynaha Puntland oo haatan ka soo degay Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa haatan ka soo degay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Mudane Deni ayaa daqiiqado kadib  faahfaahin doona  safarkiisa dibadda ee uu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya  halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Faahfaahinta Puntland Post