Madaxweynaha Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa Sabtida berriya ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan magaalada Garoowe kulan kula qaadan doona xildhibaanno ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland kuwaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland.

Senetorada ayaa la sheegay in Puntland u yimaadeen wada-tashi ku aaddan arrimaha ka dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo  xukuumadda Puntland.

Dr Cabdiraxmaan Faroole oo shalay soo dhoweeyay xubnaha ka socda aqalka sare ee Garoowe yimid ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayaan dowlad goboleedyada iyo in ay Dastuurkii dalka marin-habaabiyeen.

Madaxweynaha Puntland oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah safiirada dalalka dunida u jooga Soomaaliya oo sida la sheegay uu kala hadlay arrimaha u gaarka Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya.

PUNTLAND POST