Dacwo xasaasi ah oo laga gudbiyay Madaxda Maamul ka mid ah kuwa gobollada dalka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Ware iyo ku-xigeenkiisa Cali Xuseen Guud-laawe, waxaana dacwadaas gudbiyay 11 xubnood oo ka mid ahaa wasiirradii hore ee maamulka Hir-Shabeelle.

Mas’uuliyiinta dacwadda gudbiyay qaarkood ayaa waxay sheegeen inay la xiriirto dacwadooda xaquuq mushaari ah oo ay ku leeyihiin madaxda Hir-Shabeelle, isla markaana ay doonayaan in sharciga uu ka siiyo xuquuqda uga maqan.

Wasiirkii hore ee Xanaanaha Xoolaha Hir-Shabeelle, Dr. Xuseen Cismaan oo ka mid ah xubnaha dacwada gudbiyay ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan, isla markaana shalay ay gaartay maxkamadda sare ee dalka, sidoo kalena maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono.

Waxa uu sheegay in dhamaan xubnaha dacwada gudbiyay ay shaqeynayeen muddo 15-bilood ah, isla markaana aysan helin wax mushaar ah, ayna tahay sababta ay dacwadda u gudbiyeen.

“Innagu waxaan hoos-tagi jirtay madaxtooyada, iyada ayaana mushaarkii aan lahayn na siin waday, waana taas midda keentay inaan dacwaddan u gudbinno maxkamadda sare ee dalka, si aan xuquuqdeenna u helno,” ayuu yiri Dr. Xuseen Cismaan Cilmi.

Dacwaddan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamul-goboleedyada dalka laga gudbiyo, waxaase dacwaddan ay ku soo beegmaysaa iyadoo khilaafyo siyaasadeed oo xooggan ay soo wajaheen dalka, gaar ahaan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa oo dacwaddan laga gudbiyay ayaan iyagu ka jawaabin dacwadda la sheegay in laga gudbiyay, taasoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doona.

PUNTLAND POST