Al-shabaab oo xalay weerartay Saldhigyo ay Ciidamada DF ku leeyihiin Shabeellada Hoose

Muqdisho (PP) ─ Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray ciidamada DF iyo xoogag ka tirsan kuwa Al-shabaab deegaannada Sabiid iyo Caanoole oo ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, inkastoo aan weli la ogeyn khasaarha ka dhashay inta ay le’eg tahay.

Iska-hor-imadkan ayaa billowday kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidammada dowladda Spmalia ku leeyihiin labadaan deegaan, deegaannadaas oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada DF uuna booqday madaxweyne Farmaajo.

Wararrka ayaa sheegaya in dagaalkan uu socday muddo saacado ah, balse illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay, inkastoo dadka deegaankaas ku nool ay sheegayaan inay khasaarooyin kala duwan jiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka millateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Kooxdas Al-Shabaab ayaa warar ku qoreen baraha internet-ka ay ku leeyihiin waxay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ee deegaanadaas, isla markaana ay ku dileen tiro askar ah.

Ugu dambeyn, Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka Afgooye ayaa waxaa dhowr todobaad ka hor la wareegay ciidamada DF, iyadoo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay sii wadi doonaan hawl-galka ka dhan ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST