Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo ka warbixinayey shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay gargaar caafimaad oo deg deg ah gaarsiisay degmada Taleex ee gobolka Sool kadib markii halkaasi uu ka dillaacay cudurka Shuban-biyoodka.
Sabareey ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka Puntland ay laba kooxood oo caafimaad u dirtay degmada Taleex si ay ula tacaalaan xaaladda cudurka Shuban-biyoodka oo ku dhacay qaar kamid ah bulshada degmadaasi ku nool.
Wasiirka ayaa sii raaciyay in kadib markii ay gurmad caafimaad u fidisay xukuumadda Puntland ay haatan xaaladoodu soo hagaagayso dadkii uu ku dhacay cudurka Shuban-biyood ee ka dillaacay degmada Taleex.
Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST