
Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Faysal Cabdi Rooble ee ka faalloooda arrimaha siyaasadda oo xalay su’aalo lagu weydiiyay kulan dadweyne oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada.
Rooble oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay asalka khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka? ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dagaal ku hayo nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dhisan taasina ay sal u tahay khilaafka dhammaan la’ ee labada dhinac.
Faysal Rooble ayaa sheegay in hannaanka Federaalka ee dalku qaatay uu si cad u qeexayo Dastuurka KMG ee Soomaaliya islamarkaana aysan jirin faham la’aan ka timid dhankaasi balse madaxweyne Farmaajo uu si bareer ah ula dagaallamayo nidaamka Federaalismka.
Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uusan gebi ahaanba ku qanacsaneyn hannaanka baahinta maamulka ee Federaalismka ee ay ku heshiiyeen umadda Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay sidaasi darteedna uu dagaal aan joogsi lahayn kula jiro nidaamkii lagu doortay.
Mudane Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in 6-dii bilood ee u dambaysay dowladda federaalka Soomaaliya ay waday qorshe lagu majaxaabinayo nidaamka Federaalka dalka kaasi oo lagu burburinayo dowlad goboleedyada dhisan si aan nidaamkaasi u hirgelin.
Ugu dambayntii wuxuu dowladda madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in ay doonayso in ay Dastuurka ka saarto qodobada qeexaya Federaalismka si uu ugu ekaado hannaan dowlad dhexe taasi oo aan lahayn nidaam baahsan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.