
Qoyska ay ka dhalatay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-kii Febraayo ee sannadkan kufsi iyo dil fool-xun loogu gaystay Gaalkacyo ayaa shalay ka qaxay gudaha magaaladaasi Gaalkacyo kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogtaa.
Xubno ka tirsan qoyska ayaa in ka badan laba bilood dalbanayey in ay caddaalad u helaan gabadhoodii saqiirka ahayd balse dowladda Puntland ayaan weli sharciga horgeyn dadka ku eedaysan kiiskaasi.
Hooyada dhashay Caa’isha oo dhowaan warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay caddaalad-darro ka tirsanayso dowladda Puntland iyadoo tilmaantay in la xeeladeeyay dulmigii loo geystay gabadheeda.
Balse hadalkaasi ayaa uga sii daray reerka kadib markii xubno ka tirsan qoyska Caa’isha oo hooyadeed ku jirto laga soo wacay taleefoono loogu hanjabayo dil sida ay xaqiijiyeen dad la socday xaaladda qoyskan.
Qoyska ayaa gelinkii dambe ee shalay ka guuray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gooblka Mudug waxaana sida la sheeegay ay u guureen dhanka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.
Dhinaca kale xukuumadda Puntland aayan weli sharciga horkeenin dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas iyadoo xataa aan dadweynaha lala wadaagin wax macluumaad ah oo ku saabsan kiiskaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.