Garoowe: Kulan ku saabsan sidii gabdhaha xarumaha degmooyinka ka shaqeeya jawi nasasho u heli lahaayeen

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, ayaa Garoowe ku qabatay kulan lagu ansixinayo baahiyaha haweenka ka shaqeeya xarumaha dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland.

Kulankan ayaa loo qabtay gudoomiyaasha degmooyinka iyo gabdho ka tirsan goloyaasha degaanka ee degmooyinka ka faa’idaysta Mashruuca Horumarinta dowladaha Hoose (JPLG).

Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ugu horrayn kulanka faahfaahiyay, ayaa sheegay in kulanka ku saabsanyahay, ansixinta xogta ay soo uruurisay wasaaaradda ee ku aaddan in gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay helaan jawi ay ku shaqeyn karaan.

Duqa ayaa sidoo kale sheegay in gabdhaha ka shaqeeya degmadiisa, ay haystaan jawi shaqadooda ku habboon, ayna ka caawiyaan culaysyada ay shaqada kala kulmaan, islamarkaana fasaxyo siiyaan, isagoo ku baaqay in degmooyinka oo dhan sidaasi laga sameeyo.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda haweenka Puntland, Sahro Cabdi Xersi oo furtay kulanka, ayaa ka codsatay gudoomiyayaasha degmooyinka Puntland inay u sameeyaan haweenka ka shaqeeya xarumahooda goobo haweenka u saamaxaya naas nuujinta ubadkooda sidoo kalana u xadidaan haweenka musqulo u gaar ah.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale ayaa kulanka ka sheegtay in macluumaad iyo xog-uruurin wasaaraddu ka samaysay degmooyinka lagu ogaaday, in gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay u baahan yihiin jawi shaqadooda ku habboon.

Kulanka oo socon doona mudda laba maalmood ah, ayaa looga doodi doona macluumaadka  la xiriira baahida gabdhuhu u qabaan jawi ku wanaagsan shaqadooda, macluumaadkaasi oo laga soo uruuriyay degmooyin, iyadoo ugu dambeyntii xog-uruurinta la ansixin doono.

halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST