Saxaafadu waa Seef laba afleey ah (Maqaal)

Cismaan Maxamuud Nuur (Dheere)

Haysta shahaadada heerka 2aad ee Master digriiga xiriirka Calamiga ah iyo Horumarinta gargaarka arrimaha bin’adinimada (Kalu Spain).Sidoo kale, haysta shahaadada heerka1aad ee barashada culuumta horumarinta (PSU).

aamus.dheere@gmail.com

Horudhac

Taariikhda saxaafada

Waxaa la xusaa qaraalkii ugu horeeyay ee daabacaad in uu ka soo baxay dalka Shiinaha taariikhdu markay ahayd 1,041 miilaadiga. Waxaa uuna cirka isku sii shareeray Kacaankii daabicidda Jaraa’idka qarnigii shan iyo tobnaad. Waxana kale oo  taariikhyahanadu xusaan wixii ka dambeeyay waqtigaas uu sii koray daabacaada iyo qoraalka wargeysyada kala duwan oo dhamaantood gundhig u ahayd siinta xog  dadyowga caalamka iyo kuwa maxaliga ahba. Waxaa sidoo kale xusid mudan in markii ugu horaysay ee labaahiyo saxaafaada maqal iyo muuqaalka ah ay a hayd qarnigii labaatanaad taas oo tiknoolajiyada kaalin weyn ka qaadatay horumarinta warbaahinta iyo saxaafada caalamka.

Hanaqaadka heerarka saxaafada iyo warbaahinta ee Dunida :

  1. Bilowgii qarnigii 20aad waxaa xooga la saarayay daabacaada wargeysyaya ama jaraa’idka mana jiran wax raadiyo ama telefishin ah.
  2. Sanadkii 1940-kii Raadiyaha  ayaa si weyn u faafay intii lagu gudo jiray dagaalkii labaad ee Adduunka waxaana loo adeegsaday inuu faafiyo warar iyo isbedelada degdeg ah ee ka soo cusboonada dagaalka waxa uuna ahaa mid ka dhakhso badan marka la barbar dhigo isticmaalka jaaridka iyo wargaysyada.
  3. Sanadkii  1950-kii ayaa waxaa bilowday kacdoonkii  warshadaynta  Telefishinka.
  4. Sanadkii 1962-kii ayaa waxaa bilowday kacdoonkii  dayaxgacmeedka kaas oo sahlay in fudud  wararka dunida oo dhan si toos ah looga daawada  telefishinka.
  5. Siddeedameeyadii qarnigii labaatanaad, waxay saxaafadda gashay  kacaan cusub taas oo  ka dhigtay warbaahinta mid  si toos ah looga  daawan karo adduunka oo idil  aaladaha iyo kanaalada  kala duwan ee  satelliterka (dayax-gacmeedka).
  6. Sagaashameeyadii qarnigii labaatanaad waxaa lagu qiyaasey in 98% dadka Maraykanku ay telefishinnadooda ku haystaan guryahooda.
  7. Dhamaadkii qarnigii 20aad, kacaankii internetku wuxuu galay saxaafada iyo warbaahinta qeybaheeda kala gedisan.

Saxaafada

Saxaafada ama suxufinimada waa xirfad ku salaysan soo uruurinta, qaabeynta, tafatirka  iyo baahinta wararka  iyada oo utabinaysaa xogta dadweynaha. Saxaafada ayaa sidoo kale loo yaqaannaa warbaahinta,  taas oo leh qeybo kale duwan kuwaas oo isku daya in ay toosh ku ifiso dhacdooyinka iyo arrimaha kala gedesan ee ku geedaaman siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka, ciyaaraha, amniga iyo nabada bulshooyinka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba iyo iwm.

Warka

Habada,  Ereyga War (News) waxaa lagu qexaa War cusub “wax aan hore loo maqlin” isla markaasna isbedel sameeya si guudna marka loo macneeyo waxaa lagu qeexi karaa akhbaar cusub oo raad ku reebta dadweynaha.

Warku waa khabar cusub oo ka hadlaya dhacdo taagan isla markaasna loo gudbiyo qeyb sadexaad (dadweynaha), marka aan leeyahay qeyb sadexaad waxaan ula jeedaa tusaale ahaan “Dowladdda Soomaaliya iyo Maamul goboleedya ka jira dalka ayaa heshiis gaaray” waa hal daraf, wariyaha ama warbaahinta warka gudbineysana waa darafka labaad, cidda loo gudbinayo oo ah dadweynaha waa darafka saddexaad.

Haddaba War(News) waxaa noqon kara wax aan hore loo ogayn ama loo maqlin oo cusub oo markaasi dhaca sida tusaale: dagaal si kadis ah ku bilaabta, dhimasho iyo dhaawac meel ka dhaca,qof sun cabay,masuul la toogtay,madax la doortay ama iscasilay, qarax diyaaradeed,markab quusay,mudahraadyo dhaca ama dil, goobo ganacsi oo dab qabsaday, dhul gariir, duufaano, roobab khasaarooyin ama faa’iidooyin geystay,cudur halis ah oo dilaacay,dad daroogo lagu qabtay,afduub nooc walba leh,sicir barar,cimilo si kadis ah isku bedesha iyo arrimo kale oo fara badan.

Haddaba wariyeyaasha si ay dhegeystayaashooda ama akhristayaashooda ugu gudbiyaan isla markaasna u qanciyaan una soo jiitaan waxaa khasab ah in ay siiyaan xog dhab ah, waxaana lama huraan ah in ay u soo raadiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku qotoma.

Hanaanka diyaarinta wararka

Hababka wararka loo diyaariyo waxa ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan ee  warbaahinta. Maxaa yeelay tan waa xirfad ay ku kala hormarsanyihiin suxufiyiinta ka hawlgala saxaafada qeybaheeda kala duwan. Sidaas owgeed, waxaa jira  qodobo muhiim u ah  marka la diyaarinayo, waxayna ka  koobanyihiin lix qodob weydiimood kuwaas oo kala ah:

  1. Maxaa —————–What?
  2. Xagee—————— Where?
  3. Goorma ————— When
  4. Kuma ——————-Who?
  5. Sidee——————– How?
  6. Sabab——————- Why?

Ugu yaraan 2 ka mid ah suu’alahan ama ka badan waa in laga helaa warka ama sheekadda aad diyaarinayso,tusaale haddii aad akhritayaasha ama dhageestayaasha aad u soo gudbineyso shil ka dhacay meel ama wado waxa ay kaa doonayaan in ay ogadaan goorta uu shilku dhacay,iyo cidda wax ku noqotay, sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay wax u dhaceen iyo xaalkii dadka shilka wax ku noqday halka uu ku dambeeyay shilka kadib.

FIIRO GAAR AH: waa in la kala saaraa Ra’iga iyo warka, Ra’yi waxaa loo isticmaali karaa faalooyinka iyo sheekooyinka caadiga ah.

Sifooyinka laga doonayo suxufiga

 Waxaan shaki ku jirin in shay kasta leeyahay miisan kaas oo lagu cabiro guushiisa iyo fashilkiisa. Sidaa owgeed, waxaa la isku raacsanyahay in suxufigu ama saxaafiyadu la yimaadaan sifooyinkan:

  1. Maskax korsan iyo masuuliyad weyn 2-Hal abuur 3-Aqoon guud oo balaaran (tani macnaheedu waxuu yahay in suxufigu wax ka yaqaano xiriirka caalamiga ah (international relationship) iyo juqaraafiga adduunka (geography of the world) 4-Dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan 5-Dareen xog ogaalnimo doon ah 6-Cadaalad iyo daacadnimo 7-dhexdhexaadnimo,8-Maskax madax banaan oo wax isweydiisa iyo iwm.

Inkasto ay jiraan tiro yar oo ka mid ah saxaafiyiinta Soomaalida kuwaas oo maadada saxaafada iskuulo uga soo baxay, hadana qaabka lagu noqon karo suxufinimaddu waa arrin aad u weyn marka loo eego masuuliyada uu qofku qaadayo, sababtoo ah ficil ahaan wey adagtahay sida suxufi lagu noqon karo mana jiraan imtixaano si cad loogu soo baxo oo kuu sahlaya in aad ku soo biirto saxaafada qeybaheeda kala duwan. Waxa keli ah ee lagaaga baahanyahay waxa weeyaan in aad awood weyn iyo hibo u leedahay wax qorista isla markaasna aad ku hubeysantahay aqoon sal adag leh. Marka sifahan lagaa helo ayay suurto galtahay in laguu aqoonsado suxufi ama saxafiyad aadna fursad fiican u heli kartaa in aad dhexgasho xirfada  suxufinimo. Run ahaantii, saxafaddu ma ahan mid gabi ahaanba lagu hanan karo fasaladda ama barida lagu barto maadada saxaafada, Rasmi ahaanteedana, waxaad saxaafada ku baran kartaa in aad markasta ku dhexjirto shaqadda saxaafadda. Ogowna, in macalinkaaga kuugu wanaagsan ee saxafadda ku bari karo ay tahay qibradaada iyo inta waqti ee aad geliso barasha qaab dhismeedka diyaarinta iyo tabinta warka.

Waa maxay meelaha ay  warbaahinta ku wacantahay ama liidato ?

Hanaanka Meelaha ay ku wacantahay Meelaha ay ku  liitaan
Websites, blogs, microblogs, social media Sifudud ayaa loo heli karaa adeegooda, waxaana kale uu leeyahay qaabab kala gedisan oo leh xiisahooda iyo soo jiidashadooda, waxa aadna ku heli karaysaa qiimo jaban oo degdegsiinyo ah  Waxa uu u nugulyahay gudbinta wararka aan saxda ahayn; taasoo  badanaa ku salaysan  eex iyo aragta guracan. 
Wargeysyada, Jaraa’idka iyo buugta Gudbinta warar sax ah oo dhammaystiran isla markaasna soojiita dadweynaha Waxaa xadidan qoraalkiisa iyo sawiradiisa, heerka gudbintiisuna waa hooseysaa
Fogaan-arag (TV) iyo idaacadaha Waxa uu leeyahay cod wacan oo  maqal muuqaal  leh kaas oo  kusoo jiidanaya goor walba iyo goob kasta Waa alad ku salaysan ganacsi iyo wax ka dhaadhicin  waxaana dhicikarta in loo isticmaalo eex iyo kicinta bulshada.

Noocyada warbaahinta

Noocyada warbaahinta waxaa loo kala saara labo qeybood oo waa weyn. Waxa ayna kalayihiin sidaan: warbaahintii  hore iyo warbaahinta cusub ee maanta dunida ka jirta. Marka dib loo milicsado warbaahinta xiliyadii hore waxay ahaan jiraan mid  ku dhisan  tabinta  iyo daabacaad  waranka oo kaliyea; sida Jaraa’idada, wargeysyada iyo idaacada maxaliga ama dowliga ah( Radios) , laakin maanta waxaa jira isbedel weyn oo loo qaaday dhanka horumarinta warbaahinta cusub iyada oo la isticmaalayo  hannaan dhijitaal ah(digital form) sida blogs and podcasts oo labada ay ku shaqeeyaan hannaanka dhijitaal ah ( digital form).

 Jaantuskaan ayaa wuxu sifudud kuu fahamsiinaya noocyada warbaahinti hore (traditional media iyo midda cusub ee maanta  jirta (new media):

Xeerka Anshaxa Saxaafada Soomaliya Runtii wax walba oo la unkayo waxay ubaahanyihiin xeer kaas oo ah marjaca ama meesha kala saarta sax iyo qaladka.  Saxaafada Soomaalida waxay leedahay xeerka anshaxa kaas oo ka kooban 21 qodob oo muhiim u ah hanaanka iyo horumarinta  saxaafada dalka. 21 kaas  qodob waxay sidoo kale aad ugu  nuuxnuuxsadeen kala hagedi iyo maaraynta anshaxa saxaafada iyo saxafiya labadaba. Qofkii doonayaa qodabadaan oo dhammaystiran waxa ka daalacan kartaa halkan:

Habada,Xoriyadda Warbaahintu (Freedom of the press), waa mid aan la kala dhantaali karin lehna xuquuq iyo waajibaad la mid ah midka aas-aasiga ah ee ay bulshadu u leedahay in la wargeliyo islamarkaana loo ogolaado xornimo ay dadku afkaartooda ku baahiyaan iskuna dhaafsadaan. Sidaa daraadeed, waa muhiin in xeerkan loo karaameeyo si xushmad leh, islamarkaana aan loo fasirin hab khaldan ama horseedi kara in xeerkan uu hakad geliyo habsami u tebinta arimaha danta guud ee bulshadu ay ku jirto.

 Sidaas owgeed, qeybaha kala gedisan ee warbaahintu waxaa saaran waajibaad looga baahanyahay in ay meel mariyaan kaas oo ah habka ugu sareeya ee anshaxa laga doonayo xirfadlaha warbaahineed.

Hadaba waa masuuliyadda tifaaftireyaasha, Hay’adaha Warbaahinta iyo Maamulayaashooda in ay meel mariyaan xeerkan kuna dabbaqaan xeerarka faafreeb ee iyaga u gaarka ah. Waa inay si adag u dhowraan dhamaanba qeybaha kala gedisan ee maamuleyaasha, tifaaftireyaasha, Saxafiyiinta iyo dhinacyada kale ee dibadda ka ah warbaahinta.

Saxaafada waa Awooda 4-aad

Qoraagii ugu horeeyay ee kalmadaan ku dhawaaqa waxaa uu ahaa nin u dhashay dalka Britain kaas oo lagu magacaabi jiray Edmundorek waxaa uuna dhintay taariikhdu markay ahayd (1797), waxaa la xusaa in mar uu  ku sugnaa Aqalka Guurtida ee dowlada Britain uu u soo dhaqaaqay dhankii saxafiyiinta fadhiday waxa uuna ku yiri , ” idinka waxaad tihiin awaado afaraad.”  Hadaba taas macnaheeda ma ahan in saxaafadu leeday awooda xeer dejinta, awooda fulinta iyo awooda garsoorka laakin waxay maamushaa maskaxda iyo maanka malaayiinta ku xiran ee kala socda dunida dacaladeeda iyo gudaha dalka kasta. Waxaana xaqiiq ah in saxaafada maanta dowr weyn ka ciyaarto qaabaynta fahamka bulshooyinka dunida. Sidaa owgeed, saxaafada waa awooda afaraad ee bulshooyinka dunida hagta. Taas oo la macna ah in saxaafuda ay tahay mid ka mid ah awoodaha had iyo jeer xakameeya hab dhaqan siyaasada iyo dhaqaalaha dowladaha dunida iyo kuwa ay ka hawlgalaan labaduba.

Doorka warbaahinta ay ku leedahay arrimaha bulshada

Warbaahinta waxa ay kaalin wayn ka ciyaartaa horumarinta arrimaha bulshada, waxa ay bulshooyinka usoo bandhigtaa macluumaadka iyo fikradaha saameynaya geeddi-socodka go’aan-qaadashada iyo hirgelinta arrimaha la xiriira horumarinta dhaqan-dhaqaalo ee bulsho. Waxaana shaki kujirin in warbaahintu tahay il muhiim ah oo wacyigelin iyo dhisidda fikirka bulshada.

CAQABADA HAYSTA SAXAAFADA 

Caqabadaha haysta saxaafada Somaaliyeed way noocyo badanyihiin laakiin waxaan kusoo koobaynayaa 10-ka qodob ee soo socda:

Qodabka 1 aad:  Amniga suxufiyiinta

Warbixin lagu daabacday webseedka  ay leedahay hay’ada calaami ah ee u dhaq-dhaaqda xuquuqda iyo xoriyada saxafiyiinta(IFJ),  ayaa  waxa ay soo bandhigtay tirada suxuyiinta wax ku noqday rabshadihii ka dhacay dunida dacaladeed iyada oo xustay in 2018-dii uu hoos u dhac  ku yimid dilalkii loo geysan jiray saxafiyiinta ka halgala warabaahinta qeybaheeda kala gedesan. Hadaba, sida ay daraasada xustay, waxaa lagu qiyaasay dadka suxufiyiinta ah dhibaatada ka soo gaartay rabshadahaas ilaa 94 suxufi. Waxay hadalkeeda kusoo afmeertay hay’ada xiriirka Caalamiga ah ee Saxafiyiinta (IFJ) dhimashadaas cusub ayaa kor u kacday boqolkiiba 82 marka loo barbar dhiga dilalkii  dhicijiray sanadahii la soo dhaafay. Waxaana loo arkaa isbedel hoos u dhac ah laga bilaabo saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Suxufiyiintii lagu dilay iyaga oo gudanaya waajibaadkood shaqo
Sanadkii tagay ee 2018 Dunida oo idil

Hay’adaha u dooda xorriyatul qowlka ayaa iyagana sheegaya in dilka xarigga, iyo cagajugleynta saxafiyiinta uu weli yahay mid aan waxba laga qaban. Hay’adda Amnesty International ayaa Turkiga ku tilmaantay dalka ugu horreeya dhinaca xarigga lo gaysto suxufiyiinta.

Qodabka 2 aad:  aqoonta suxufiga iyo waayo aragnimadiisa

Runtii aqoonta, waayo aragnimada iyo anshaxa suuban waa hiraalka iyo horumarka qofkasta. Sida owgeed, waxaad dareemaysaa haddaad u kuurgasho  suxufiyiinta Soomaaliyeed in aysan culays weyn saarin barashada mihnada saxaafada. Laakiin,  uu waqtiga kaga lumo raadinta xogta ilo wareedyada kala duwan ama raadinta magac iyo maamuus. Laakiin, haddii aad doonayso in aad noqoto suxufi ruugcadaa ah oo magac iyo maamuusba ku dhex leh bulshada qeybaheeda kala duwan,taasna waxay ku xirantahay hadba aqoontaada, waayo aragnimaada iyo kartidada suxufinimo inta ay la egtahay. Taas oo laga dheehankaro sida aad barnamijyada u diyaariso iyo sida aad u soo saarto labadaba. Taasna, waxay  u baahantahay in aad waqti geliso barashada milgaha iyo maamuuska xirfada saxafinimada haddii kale Soomalida waxay ku maahmaahdaa , “Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.” Oo macnaheedu yahay haddaadan  aqoon iyo karti ulahayn shayga aad sheeganayso  aayar ayaa looga dhexbaxaa. Haddii kale, waxaad maciin bidaysaa maahmaahdii kale ee ahayd , “Nin daad qaaday xunbo cuskey.”

Qodabka 3 aad:  Iskaashi la’aanta haysta suxufiyiinta

Iskaashi la’aanta suxufiyiinta waa mid ka mid ah caqabada ugu waa weynt haysta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waayo Somaalida waxay kumaahmaahdaa,” Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan”, taas macnaheeda yahay haddii  suxufiyiinta ay u midooban  dantooda iyo maslaxadooda waxaa fududaanaysa in si sahlan loo maareeyo dhibooyinka soo wajaha suxufiyiinta meelkasta oo ay dalka ka joogaan. Sidaas dareed, iskaashi waxa uu noqonkaraa mid dhaqan-dhaqaalo, aqoon iyo isbahaysi kaas oo dadka iskaashanaya u sakhiraya in ay si fudud ugu gudbaan caqabada ka horyimaada.

Qodabka 4 aad:  Awooda  saxufiga u leeyahay diyaarinta iyo tabinta wararka

Dadka u kuurgala hanaanka tabinta iyo war faafinta warbaahinta Soomaaliyeed waxay farta ku fiiqan in ay jirto aqoon yari la xiriirta hanaanka tabinta ,qoraalka iyo taftarka wararka, taas oo kaaga muuqan karto marka aad horfadhido Fogaan araga(TV), ama aad dhageysanayso idaacad ama  aad akhrinayso wargeysyada qeybahooda kala duwan. Taas oo muujinaysa in aysan jiran hanaan kala gedisan( diversity model)  oo ay isticmaalaan warbaahinta Soomaaliyeed.waxaana habboon in suxufiyiinta iyo hawlwadeena warbaahinta ay ka digtoonaadaan xuquuqda minguurinta(capy rights) marka ay timaado diyaarinta iyo tabinta warar kala gedisan. Waayo taas waxay dhaawacaysaa sharciga saxaafada,aqoonta suxufiga taas oo ka dhalankarta in uusan suxufigu yeealan hal abuur u gaar ah markasta uu ku tiirsanaado qofkale aqoontiisa. Sidaas owgeed, waxaa mudan in lagu baraarugo khatartaas ka imaanaysa arrintaas aan kor kusoo xusnay haddii kale waxay noqan maahmaahdi ahayd,” bartii yaqaan bari uma kororto!”sidaas owgeed, waxaan suxufiyiinta Soomaaliyeed kula dardaarmayaa barashada hanaanka kala gedisan ee loo tabiyo ama loo diyaariyo wararka in ay  ubaahantahay aqoon iyo waayo aragmo mug weyn laakiin taas kaliya lagu gaari karo dadaal iy go’aan qaadasho suuban oo katimaada qofka suxufiyga ah waana in suxufiga markasta uu ilaaliyaa anshaxa iyo asluubta tabinta iyo qoraalka warbaahinta.

Qodabka 5 aad: Manhajka iyo agabka waxbarasha suxufiga oo hooseeya

Waxaan shaki ku jirin in manhajka iyo agabka waxbarasha saxaafada dalka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u hooseeya marka la barbardhigo dalalka kale ee soo koraya.Waxaana kale oo jira tababarro soo noqnoqda kuwaas oo aan waafaqsanayn baahida warbaahinta. Sidaa owgeed waxaa laga codsanayaa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada in layimaadaan istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta daboolista baahida warbaahineed ee dalka ka jirta, iyada oo weliba la tayeeyo manhajka iyo macalimiinta si loo soo saaro suxufi u carbisan  saxaafada qeybaheeda kala gedisan.

Qodabka 6 aad:  ku dhaqan la’aanta sharciga  iyo xeerarka saxaafada

ku dhaqan la’aanta sharciga  iyo xeerarka saxaafada waxaa ka dhalanaya dhibaatooyin waa weyn, kuwaas oo dhibunahu uu yahay suxufiga. Sidaas owgeed, waxaa habboon in suxufigu ilaaliyo xeerarka iyo anshaxa saxaafada. Sidaas oo kale waxa iyada hobboon in dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ixtiraamaan xeerarka iyo sharciyada saxaafada oo aan saxafiga loo waxyeelayn in uu soo bandhigay runta ka jirta dalka, waayo saxaafada waa muraayada ay dowladda iska daawato isla markaasna ay ku qiimayso waxqabadkeeda. Sidaas owgeed, waxaa mudan in  la hirgeliyo isla markaasna lagu dhaqmo xeerarka iyo sharciyada  u yaala saxaafada .

Qodabka 7 aad:  Dhaqaale la’aan haysta Suxufiyiinka;

Runtii saxaafada lagama helo dhaqaale, laakin waxaa laga helaa oo kaliya magac iyo maamuus uu ku dhexyeesho saxufiga wanaagsan bulshada dhexdeeda, laakin taas haan uma buuxin. Sidaas owgeed, waxa laga codsanayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyda in ay taageero buuxda siiyaan suxufiyiinta dhankasta oo ahaato waayo suxufiga waa isku xiraha dowladda iyo bulshada sidaas owgeen haddi la hagaajiyo xiriirka u dhexeeya suxufiyiinta iyo dowladda taas waxay dhalinaysaa horumar dhankasta ah.

Qodabka 8 aad: Anshaxa baahinta qoraalka ama tabinta wararka

Anshaxa  baahinta qoraalka ama tabinta wararka oo ah mid liita, isla markaasna u baahan in suxufiyiintu ku baraarugaan kolka ay baahinayaan qoraal ama ay tabinayaan wararka ama  barnamijyada taas oo haddaan si wacan laa maarayn dhaawici karta akhristayaasha, dhageystayaasha, daawaadayaasha iyo weliba iyada saamayn mug leh ku yeelan karta sumcada saxufiga ku dhexleeyay bulshada amaba keeni karta dhib ka weyn intaasba.

Qodabka 9 aad:  Dadka caanka ah oo saameyn ku leh saxaafada

Saxaafada Soomalida inteeda badan maanta  waxay noqotay meel la isku weydaarsato hadalada qalqalafsan iyo kuwa been abuurka ah, taas oo aad mooda in ay garabmarsan tahay ku dhaqanka xeerarka iyo anshaxa saxaafada dalka leeyahay.

Qodabka 10 aad:  maamulada xarumaha warbaahinta oo aan aqoon u lahayn mihnada saxaafada

Maamulada xarumaha warbaahinta oo aan aqoon u lahayn mihnada saxaafada, xeerarka iyo anshaxa saxaafada.Habada, dadka u kuurgala qaabdhismeedka xarmuha iyo goobaha internetka(website),  waxay farta ku fiiqaan in xarumahaas ama goobahaas loo maareeyay si ka duwan sidii looga talagalay oo ah in laga dhigtay meel loo maalgashto si looga sameeyo dhaqaalo iyo ganacsi taas oo dhabarjab weyn ku ah hirgelinta xeerka iyo anshaxa saxaafada Soomaaliyeed.

Gunaanad

Saxaafadu ma ahan wax fudud oo qaacido lagu soo koobi karo waxaana laga yaabaa in sida ugu dhaw uguna haboon aynu ku sharxi karno ay tahay kaalin muuhim ah oo u adeegta bulshada ama shacabka, War cusub oo joogta ahna gaarsiiya qeybaha kala duwan ee bulshadda mana ahan hawl damaanadeeda si fudud lagu qaadi karo. Saxaafada iyo suxufinimaddu waa muhiim waxayna u baahantahay masuuliyad weyn iyo u bislaansho qoto dheer waayo waxa ay saameyn ku dhex leeyihiin Ra’yu caalamka guud ee dadweynaha iyo miisaan weyn oo bulshadda dhexdeeda ah. Sidaa awgeed wa in suxufiyiintu si fiican u fahamasanyahihiin xirfadooda si aysan u geysan waxyeelooyin ka imaan kara xirfadooda suxufinimo oo aysan si qaldan u adeegsadaan ama loogu adeegsado. Waxaadna ogaataa in saxaafadu ka madax banaantahay qabyaalada iyo qof jeclaysi ama nacaybsi waana mid had iyo jeer ku salaysan runta, cadaalada  iyo dhexdhexaadnimada xogta ama wararka ay tabinayso.

  Talo soo jeedin:

  1. Waa in lagu dhaqmaa xeerka iyo anshaxa saxaafada kaas oo aad hadda mooda mid aan weli la dhammaystiran
  2. Waa in la sameeyaa hanaanka sugan kaas leh islaxisaabtan ku aadan dadka si xun u isticmaala saxaafada iyo qalabka warbaahinta.
  3. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta.
  4. In la dadajiyo sharciga saxaafadda ee baarlamaanka hor-yaalla, waxna laga beddelo qodobbada qaar ka hor inta aan la ansixin. Qodobbada walaaca leh waxaa ka mid ah Shuruudda wariyaha.
  5. Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waa in ay layimaadaan istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta daboolista baahida warbaahineed ee dalka ka jirta, iyada oo weliba la tayeeyo manhajka iyo macalimiinta si loo soo saaro suxufi u carbisan saxaafada qeybaheeda kala gedisan.
  6. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta.

Qoraalkaan waxaa igu kallifay in aan soo bandhigo markii aan arkay ahmiyadda ay leedahay saxaafada iyo sida dadka qaarkiis ay uga dhigtaan goob  ama fagaaraha laga tabiyo wixi xun  isla markaasna keeni kara burbur iyo qaran jab. Sidaas si lamid ah, ayaa waxaa kaloo ii muuqday in lagu tumanayo xeerarka iyo anshaxa ay leedaahay saxaafada  dalka Soomaaliyeed. Habada,  waxaa habboon in la dhaqangeliyo xeerarka iyo anshaxa saxaafadu leeday si looga badbaado wax kasta oo keenikaro burbur iyo in ummada hankeeda  dowladnimo uu hoos u dhaco.

 Tixraac

  • Wikipedia
  • somaliatalk.com/2010/dec/xeerka_warbaahinta.pdf
  • International federation of journalists: Al Jazeera and news agencies
  • http://www. barbaarmedia.com
  • https://mawdoo3.com
  • www.bbc.com/somali

Cismaan Maxamuud Nuur (Dheere)