
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegay in saaka halkaasi lagu dilay, sarkaal ka tirsanaa guutada kumaandooska ee ciidanka badda Puntland (PMPF).
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xassan Mire Jeceel, ayaa sida la sheegay waxa taliska PMPF ee duleedka magaalada Boosaaso ku dhex dilay, askari kale oo isla ciidankaasi ka tirsan, kadib markii ay murmeen.
Askarigii dilka geystay ayaa gacanta lagu dhigay, sida ay warbaahinta Puntland Post ka xaqiijisay, taliska ciidanka PMPF ee magaalada Boosaaso.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.