Dil ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug

Magaalada Galdogob 12 October 2018

Degmada Galodob ee gobolka Mudug waxaa xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyara oo ka tirsanaa bahda isboortiga degmadaasi sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Caddaawe Cali Aadan ayaa u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaas uu ku furay nin hubaysan oo aan weli faahfaahin laga hayn sababta uu dilka u geystay.

Booliiska degmada Galdogob ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan ninkii dilay marxuumka islamarkaana uu ku socdo baaritaan.

PUNTLAND POST