Xisbiyada Mucaaradka ah oo War-murtiyeed ka soo saaray kulankii ay ku yeesheen Kenya

Muqdisho (PP) ─ Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gunaanaday shir ay lahaayeen madaxda xisbiyada dalka ka jira ee kasoo horjeeda siyaaasdda dowladda federaalka ah.

Shirkan ayaa waxaal laga soo saaray War-murtiyeed ku socday Dowladda uu horkacayo Madaxweyn Farmaajo, iyadoo qodobbada kasoo baxay shirkan ay ka mid tahay in la bedelo xukuumadda hadda jirta oo lagu eedeeyay inay ka soo bixi waday wixii loo igmaday.

Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada, wadahadalladii Somalia iyo Soomaaliland, iyagoo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Ugu dmabeyn, Waxaa kulankan ka qayb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin; hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DF, Cabdi Faarax Siciid [Juxa], Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], Wasiirkii hore ee waxbarashada Somalia C/nuur Sheekh Maxamed iyo xubno kale.

AKHRISO: Qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi;


PUNTLAND POST