Siyaasiin mucaarad ah oo shir uga soconayo Nairobi

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu shir uga soconayo xubno siyaasiin ah oo mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ah siyaasiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka.

Waxaa shirkaasi ku sugan siyaasiin ay kamid yihiin Cabdiraxmaan CabdiShakuur higaamiyaha xibsiga Wadajir ,Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur.

Siyaasiinta ayaa ka shiraya xaaladaha dalka Soonaaliya iyaga oo gaba gabada shirkooda ka soo saari doono warsaxaafadeed ku saabsan waxa ay ka wada hadleen.

Sidoo kale magaalada Nairobi waxaa ku sugan qaar kamid mmadaxda maamul Goboleedyada dalka sida madaxweyne Deni, Xaaf iyo Axmed Madoobe.

Puntland Post