Boosaaso: Sarkaal lagu helay musuq maasuq oo xukun lagu riday

G. maxkamadda Abukar Cabdinur Jaamac

Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukun ku ridday, sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu helay musuq maasuq.

Cawaale Maxamuud Sheikh, oo ka tirsanaa waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ee degmada Carmo, ayaa lagu xukumay 4 sano xabsi ah iyo $500 (shan boqol oo Dollar) oo ganaax ah, kadib markii lagu helay, hanti-lunsasho iyo adeegsiga waraaqo been- abuura, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, Abukar Cabdinuur Jaamac.

Sidoo kale, Cawaale ayaa lagu xukumay in uu bixiyo lacag dhan $2751 (labo kun todobo boqol konton iyo kow Doolar) oo maxkamaddu ku sheegtay, xatooyo xoola dadweyne oo uu lunsaday, isagoo adeegsanaya  waraaqo been-abuura.

Guddoomiyaha maxkamadda, Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in mas’uulkan uu qirtay dhammaan denbiyada lagu eedeeyay, sidaasi darteedna uu ku mutay xukunka, balse uu rafcaan ka qaadan karo mudda 30 cisha.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar