AMISOM oo jawaab ka bixisay Sawir Maalmihii u dambeeyay Qabsaday Baraha Bulshadu

Muqdisho (PP) ─ Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay sawir baraha bulshadu ay ku xiriirto qabsaday maalmihii ugu dambeeyay, kaasoo dad badan ay aad uga caroodeen.

Sawirka ayaa muujinayay askari ka tirsan ciidamada booliska AMISOM oo cabiraya ruux dumar ah oo la sheegay in loo diyaarinayay ka mid noqoshada ciidamada booliiska ee HirShabelle.

Askariga sawirka ka muuqday ayaa muuqaalkiisa waxaa uu shabahay ruux lab ah iyadoo gabadha Soomaaliyeed oo xiran xijaabna laga cabirayay qaybta hore ee jirkeeda, gaar ahaan laabta.

Sidoo kale, Arrintan ayaa ka dhex-dhalisay dood badan shacabka isticmaala baraha bulshada inkastoo dadka badankii ay fahmeen in qofka wax cabiraya ay ahayd ruux dumar ah.

Laakiinse, Qoraal ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay in qofka wax cabiraya ay ahayd qof dumar ah oo ka mid ah booliiska ka socda dalka Zimbabwe oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika.

“Sarkaalka Booliiska AMISOM ka tirsan ee cabirka ka qaaday gabadha la ciidamaynayo ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal Rag ah inuu taabto haween Somaali ah,” oo lasoo dhigay Twitter-ka AMISOM.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa hore loogu eedeeyay inay ka geysteen dalka Soomaaliya falal ka baxsan anshaxa.

PUNTLAND POST