Al-Bashir oo cuntada ka soomay iyo caafimaadkiisa oo laga deyrinayo

Saraakiil caafimaaad oo ku sugan magaalada Khartoum ee waddanka  Sudan, ayaa laga soo xigtay in madaxweynihii la casilay ee dalkaasi, Omar Hassan al-Bashir lagu arkay astaamo u eg cudurka Faalliga ee xanniba xididada dhiiga qaada ee maskaxda.

Mid kamid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya xaaladdiisa  oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa warbaahinta u sheegay in uu al-Bashir  ku arkay astaamo muujinaya in ay xirmeen qaar kamid ah xididada maskaxda ee dhiigga qaada, balse weli ay baaritaan ku hayaan xaaladdiisa caafimaad.

Sidoo kale, dhaqtarka ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee al-Bashir ka sii darayso, kadib markii uu cuntada diiday, nafaqada jirkiisana ay aad hoos ugu dhacday, isagoo xusay in xataa uusan daawooyina si toos ah u qaadan Karin wakhti xaadirkan.

Omar al-Bashir ayaa haatan ku xiran xabsiga si weyn loo ilaaliyo ee loo yaqaan Kobar, kadib markii laga soo wareejiyay guriga martida ee magaalada Khartoum oo uu hore ugu xirnaa, waxaana laga qaaday taleefonkiisa gacanta ee khaaska ah.

Mudane al-Bashir ayaa militarigu xilka ka qaadeen 11 bishan April kadib mudda ku dhow  4 bilood oo dalkaasi ay ka socdeen dibad-baxyo xiriira oo lagu dalbanayey in uu xilka ka dego.

PUNTLAND POST