Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay dacwo uu sheegay in laga gudbiyay dowladda

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka culummada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Xamar, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jirta ay ka mid tahay dhaqan-xumo siyaasadeed, isagoo xusay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato faragelin shisheeye, wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira iyo mucaaradku ay dowladdiisa ku dacweeyaan beesha caalamka.

“Dumin Qaran ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jiridda in laga gooyo oo xasillooni loo diido oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la beddelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye,” ayuu yiri maaxweyne Farmaajo.

Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisa ku daray. “Caqabadaha na haysta ayay ka mid tahay arrintaan, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo intii ay dowladnimada Soomaaliya burburtay.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cidna si gaar ah farta ugu fiiqin, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda laga tashado oo sidoo kale intii lala hadli lahaa madaxda dalka loo kala dhuunto in caalamka lagu daweeyo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dareemayay inuu jawaab u yihiin dhaq-dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi oo ay wadaan xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira, kuwaasoo doonaya inay beesha calaamka weydiistaan in si toos ah kaalmooyinkooda loo soo gaarsiiyo intii loosoo marin lahaa dowladda  dhexe.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka eriday Muqdisho ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa waxaa dowladda la saaray cadaadisyo caalami ah, iyadoo la billaabay in si gooni-gooni ah loola kulmo madaxda maamullada dalka ka jira.

PUNTLAND POST