Guriga Madaxweynihii hore ee Dalka Sudan oo laga helay lacago fara badan oo la kaydiyay

Khartuum (PP) ─ Wararka laga helayo waddanka Suudaan ayaa sheegaya in baaritaan lagu sameeyay guriga madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir laga helay lacago isugu jira Dollar, Euro iyo lacagta laga isticmaalo dalkaas.

Dacwad-oogaha Waddanka Suudaan, ayaa sheegay in eedaha Cumar Xasan Al-Bashiir loo haysto ay ka mid yihiin inuu si sharci-darra ah lacag aad u fara badan uu gurigiisa ku qarsaday.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in guddiga la dagaallama Musuq-maasuqa ee uu sameeyay golaha milateriga Suudaan in ciidammda ammaanku ay soo heleen lacago Euro, Dollar iyo Geniga Suudaan isugu jira oo wadar-toodu ay ka badan tahay 130-milyan oo doollar.

Sidoo kale, Taliska Millateriga Suudaan ayaa bishan 11-keedii shaaciyay in xilkii laga qaaday, isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir. Balse, dhowr maalin kaddib ayaa xabsi loo taxaabay Al-Bashiir si xoog ah loo ilaaliyo kaasoo uu hore ugu xiri jiray dadka ka soo horjeeda siyaasaddiisa.

Dhanka kale, Al-Bashiir ayaa xukumayay Sudan ku dhawaad 30 sano isagoo xilkaas qabtay isagoo hor-kacayay ciidammo af-gambiyay Dowladdii ka jirtay Suudaan.

Ugu dambeyn, Dibadbaxayaasha oo gaaraya kumannaan ruux ayaa waxay dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, inkastoo aan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan madaxda hoggaanka dalkaas gacanta ku haya.

PUNTLAND POST