Wasaaradda Caddaaladda Puntland oo amar ku soo rogtay dugsiyada Qur’aanka

Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha.

Wasaaradda ayaa macallimiinta Qur’aanka ku wargelisay ,  in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin.

Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido maroorsan ku faafinayan degaannada Puntland.

Balse, culimo ka tirsan kooxdaasi oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay hadalka waasiirka, iyagoo beeniyay in ay caqiido maroorsan faafinayaan.\

PUNTLAND POST